Ciyaarta El Classico ayaa la ciyaaray shalay oo Axad ahayd, Waxaana Real Madrid ay 4-1 ku garaacday kooxda ay xifaaltamaan ee Barcelona.
Ciyaarta ayaa ahayd mid aad u xiisa badan oo lagu raaxaysanayay sida ay had iyo jeer ahaan jireen ciyaaraha El Classico.
Vinicius ayaa ahaa xidigii garoonka wuxuuna dhaliyay sadaxleey. Wuxuuna garoonka ugu dhex muuqday sii xoogan, wuxuuna soo bandhigay xirfado magic ah.
Wareeysay laga qaday ciyaarta kadib aya waxa uu ku sheegay in Ronaldo yahay ciyaaryahanka u ku daydo. Waxana xadaladiisa kamid aha "Waxaan u sameeyay dabaaldega Siu ee Cristiano Ronaldo dartiis, isagu waa mid ka aan ku daydo".
" Aad ayaan ugu faraxsanahay kooxdaana, waxan ku sameyneynaa waxyaabo gaar ah Real Madrid, dadka Sacuudiga ayaagaba mar walba waxay ii muujiyan jaceylkooda".
0 Comments