Kooxda kubada cagta ee Chelsea aya suuqa ugu jirta inay lasoo wareegto weeraryahano, iyago oo isha ku haaya in ay lasoo wareegan ciyaaryahano magac weyn kuleh kubada cagta bishan janayo. Chelsea ayaa la dhibatooneysay weeraryahan la'aan sanadihi lasoo dhaafay.
Weeraryahanka reer Senegal ee Jackson oo dhawaan kaago soo biiray kooxda Villareal aya aaday dalkiisa sii u ugu qeyb gaalo ciyaaraha Afcon, sidoo kale Christopher Nkunku oo dhawaan kasoo labtay dhawaac ayaa isna mar kale dhawaacmay.
Cole palmer oo ay xagaagi hore kala soo wareegen kooxda Manchester City, ayaa ah gooldhaliyaha Blues ugu goolasha badan xilli ciyaareedkan, Inkastoo ay Chelsea ku fiican tahay dhinaaca gool dhalinta xili ciyaareedkan, marka loo barbar dhigoo xilli ciyaareedkii hore, hadana waxay uu bahan tahay gool dhaliiya wanagsan.
Chelsea ayaa abuurtay fursado ka badan kooxaha kale ee Premier League xili ciyaareedkan, laakiin inta badan fursadahas lama dhaliin. Pochettino aya sheegay fursadaha an la dhaalinin inay tahay wax yabaha niyad jabiiya kooxda.
Sida ay wararku sheegayan, Chelsea ayaa isha ku haysa inay heshiis amaah ah kula soo wareegto weeraryahankii hore ee kooxda Real Madrid Karim Benzema, iyo Laciibki hore ee kooxda Liverpool Roberto Firmino. Labada weeraryahan ayaa xagaagi hore ku biiray Saudi Pro League.
Sida laga soo xigtay wargeeysa Telegraph, Chelsea ayaa dooneysa inay laa soo wareegto Karim Benzema sii amaah ah, ayaado qandaraaskisuu Al- Ittihad uu dhamaanayo sanadka 2026.
Benzema ayaa ganax ku seegay 3-dii kulan ee ugu dhambeyey madaama u bahay safar oogalansho la'aan aha. Benzema aya waxa uu ku suugna kooxda Real Madrid 14, Waxaana uu dhaliyay 364, waxa uu sidoo kale kooxda kula guulaystay 25 koob, waxaana uu hal mar ku guulaystay balon d'or. Tan iyo marki uu ku biiray kooxda Al-Itthad waxa uu ciyaaray 24 kulan, waxa uu dhaliyay 15 gool.
Chelsea ayaa sidoo kale dooneysa inay amaah kula soo wareegto xiddigi hore ee kooxda Liverpool RobertoFirmino. Firmino ayaa sidoo kale ku biiray kooxda Al- Ahli ee Saudi Pro League xagaagi hore, waxaana uu kooxda u ciyaaray 34 kulan, waxaana uu dhaliyay 13- gool.
0 Comments