Maadama uu furmay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee bisha Jaanayo dhowr saxiix aya la filaya inay dhacaan,.
waxana jira ciyaartoy badan oo uu qandaraaskoodu dhacayo 2024, waxaana la filaaya in ay ka tagan kooxaahooda hadii an lagala hadlin qandaraas kordhis.
Halkan waxaan idinkugu soo gudbineyna liiska 10 ciyaarhan oo la filayo inay biilash ku baxan hadi aysan kooxahooda kala xajoon qandaraaskooda.
Kylian Mbappe.[Psg]
Ku guulaystaha kabta dahabka ee uu ciyaara kooxda Psg aya loo arka mid kamid ah weeraryahana ugu fican aduunka. xiddiga Psg aya qandaraaskis dhacsana tan iyo 2023. Psg aya dooneysay inay qandaraaska uu kordhiso, balse Mbappe aya diday in uu iska ogalado.
Xidda heerka calaami ee Faransiska aya lala xiriirnaya kooxda reer Spain ee Real Madrid.waxaana la filaya innu tago suuqan.
Adrien Rabiot [Juventus]
Ma ahan mid kamid ah ciyaartoyda ugu fican aduunka balse waa mid kamid ah ciyaartoyda khadka dhexe ugu wanagsan, 28 jirkan aya lala xiirirnaya kooxda Manchester United iyo kooxo kale oo reer Yurub ah.
Rafa [Benifica]
Rafa waa weeraryahan, wuxu sidokale ciyaari kara garaabka, waxana uu qaybahisa wanaagsan kuso qaatay Benifica. wararka ka imaanayo Portugal aya soo jeedinayo in aysan uu badneyn Benifica inay qadanraaska uu cusbooneysiiso xagaagan.
Thiago Alcantra [Liverpool]
Alcantra waa ciyaarhan heer sare ah xirfadiisa ciyaareedna sareeyso, 30-jirka uu ciyaara kooxda Reds aya sidoo kale ku maqna dhaawac kaso garay sinta, waana sababta ay uu badan tahay inuu la qabsan wayo, maadama la rabo inu gaaromo badan daabalo, waxa uu kaso labtay dhaawaca bishan jaanayo sidu xaqijiyey tabaraha Liverpool balse waxa la filaya inuu baxoo xagaagan.
Aaron Wan-Bissaka [Manchester united]
Inkasto uusan si dhab ah ugu habooneyn fikrada casriga ee difaacnimo, hadaana waxa uu leeyahay xirfad difaaceed oo wanagsan oo an waligeed su'aal la gelinin, waxaana ay uu badan tahay inuu ka tago Manchester United xagagan an ku jurno
Jorginho [ Arsenal]
Jorginho aya Arsenal ugu soo biirey kooxda ay xifaaltaman ee Chelsea inkasto ay ehed la yaab, waxaana uu Arsenal uu saxiixay heeshis hal saano uu la socdey muudo dareyn hal kale oo saano, kaso dhamadey xagaagan 2024. 31-jirkan aya laga yaba inuu dhaqaaqo.
Raphel Varane [Manchester United]
Varane waxa Manchester United uu kaga soo biiray Real Madrid xaagagi hore, waxana uu aha dooqa kowaad ee Erik Ten Hag xili ciyaareedki hore si ka duwaan xili ciyaareekan. Varane aya waxa uu fasaax uu yahay aditanka kooxda uu doona, Iyado diiday United inay ugu darto heshiis hal saano ah.
Angel Di Maria [Benifica]
xiddiga reer Argentina ayaa ku dhuwaaqay inuu ka fadiisan doono ciyaaraha caalamiga ah kadib 2024- Copa America, maadama uusan ehen weeraryanki uu ahan jiray waxa laa filaya inay Benifca faasaxdo, waxaana loo maleeya inu Saudi Pro League adii doono hadi fursad ay soo baxdo.
Tomas Soucek [Westham]
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Czech xagaagi hore muusan ku jirin qaab ciyaareedkiisi wanagsana, Westham ayana heysata fursad ay ku kordhiso qandaraaskisa ila 2025.
Kelechi Iheanacho [Leicester City]
Ila wareedyada Leicester City aya xaqiijinaya in weeraryanka reer Nigeria uusan xitaa si joogta ugu ciyaarin kooxda, waxaana ay uu badan tahay inuu ka tagi doono xagaagan,
0 Comments